Jamie Carragher Oo Magacaabay Laba Xiddig Oo Arsenal U Soo Saari Kara Champions league Xilli Ciyaareedka Dambe

Halyeeyga Kooxda Liverpool ahna khabiirka Sky Sport ee Jamie Carragher ayaa tilmaamay labada xiddig ee kooxda Arsenal ka caawin kara in ay ku dhamaystaan 4-ta boos ee ugu sareeya horyaalka premier Legaue.

Jamie Carragher ayaa sheegay in rajada Arsenal ee ku dhamaysashada 4-ta boos ee ugu saraysa horyaalka premier League ay saarantahya dhabarka xiddigaha Pierre-Emerick Aubameyang & Alexandre Lacazette.

Arsenal ayaa guuldaro 3/1 ah kala kulantay kooxda Man City Axadii kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.

Guuldaradaas ayaa la macno ah in ay Arsenal haatan hoos ugu dhacday kaalinta 6-aad ee kala saraynta horyaalka inkasta oo ay todobaadka ku bilaabatay iyada oo ku jirta kaalinta 4-aad.

Carragher ayaana aaminsan in weeraryahanda Pierre-Emerick Aubameyang & Alexandre Lacazette ay masuul ka yihiin in ay kooxda dib ugu soo celiyaan champions League xilli ciyaareedka dambe.

Khabiirka ayaa la waydiiyay su,aal ah, “Miyaad u malaynaysaa in rajada u soo bixista champions League ee kooxda Arsenal in ay ku xidhan tahay Pierre-Emerick Aubameyang & Alexandre Lacazette”?.

“Haa waan rumaysan”ayuu yidhi xiddigii hore ee Reer England.

“Waxan u malaynayaa in ay taasi noqon doonto sheekada guusha ugu weyn ee Emery xilli ciyaareedkan”

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here