Jamie Carragher: Maurizio Sarri Waxa Uu Chelsea U Badalay Arsenal

0

Halyeeyga Kooxda Liverpool Ahna khabiirka Sky Sport ee Jamie Carragher ayaa weerar culus ku qaaday tababaraha kooxda cheslsea ee Maurizio Sarri kadib guuldaradii culusayd ee chelsea ka soo gaadhay man City.

Kooxda Man City ayaa guul weyn oo 6/0 ah ka gaadhay kooxda Chelsea kulan ka tirsanaa todobaadkii 27-aad ee horyaalka premier League.

Jamie Carragher oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi” wixii dhacay waa wax aan la qaadan karin waxa ay ahayd wax aad u xun”.

“Maurizio Sarri waxa uu Chelsea ka dhigay Arsenal oo kale kuwaas oo la qabsaday in looga badiyo 5, 6 ama 8 gool sanadihii ugu dambeeyay”.

“Chelsea waxa ay ahayd qaar aad u liita kulamada ay ku ciyaarayso meel ka baxsan garoonkeeda gaar ahaan kulamada ay la ciyaarayso kooxahaa waaweyn”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here