James Rodriguez Oo Go,aan Ka Gaadhay Wararka La Xiriirinaya Kooxda Arsenal

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Bayern Munich Amaahdana uga maqan kooxda Real Madrid ee James Rodriguez ayaa go,aan ka gaadhay wararka la xiriirinayaa Kooxda Arsenal.

James Rodriguez ayaa joogi doona Bayern Munich ugu yaraan ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan sida ay sheegayaan wararku.

Kooxda Arsenal ayaa xiiso u qabtay xiddiga reer Colombia kuwaas oo doonayay in ay amaah 6 bilood ah ku qaataan inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

James Rodriguez ayaa wakhti dheer lala xiriirinayay Horyaalka premier League waxana uu ka fiirsanayaa mustaqbalkiisa Bayern Munich.

Laakiin ESPN ayaa sheegaya in uu James Rodriguez iska diiday in uu ku biiro kooxda Arsenal inta lagu jiro suuqa January bishan.

27 jirkan ayaa haatan dhaawac uga maqan kooxda Bayern Munich laakiin xiddiga ayaa sii joogi doona ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here