James Milner Oo Shaaciyay Cida Uuna Doonayn In Ay Liverpool Ku Aado Wareega 8 Dhamaadka Champions League

0

Xiddiga Khadka dhexe uga ciyaara kooxda Liverpool ee James Milner ayaa tilmaamay kooxaha uu doonayo in ay Liverpool ka fogaato isku aadka 8 dhamaadka champions League.

James Milner ayaa sheegay in uu doonayo in ay Liverpool ka fogaato kooxaha premier League isku aadka champions Leageu.

Reds ayaa si cajiib auah u gaadhay 8 dhamaadka champions League kadib markii ay garaacday Bayern Munich 3/1 ugu awood sheegatay.

Goolal ay dhaliyeen Sadio Mane iyo Virgil Van Dijk ayaa Reds ka caawiyay in ay Bayern Munich ku garaacdo garoonkeeda Allianz Arena.

Kadib guushaas kooxaha premier League ayaa 4 kooxood ku leh 8 dhamaadka tartanka champions League iyaga oo shaki la,aan ah in ay 2 kooxood isku dhici karaa.

Laakiin Milner oo ka mid ahaa kooxdii Lverpool ee gaadhay finalka champions League sanadkii hore 8 Dhamaadkana ku reebay Man City ayaa sheegay in uuna doonayn in ay isku aadaan koox premier League ah.

“Waxa ay u fiicantahay kubada England”ayuu Milner u sheegay BT Sport, “Waa waxa aad doonaysaan laakiin uma malaynayo in aan doonayno in aan isla ciyaarno wareega xiga laakiin waan arki doonaa waxa dhaca”.

“Waxa aan dareemaynaa in aanu sii wadi karno tartanka sidii aanu u samaynay sidii hore sidaas darteed aanu eegno ilaa halka aanu sii wadi karno”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here