James Milner Oo Shaaca Ka Qaaday Sababta Uu Wali Ugu Xanaaqsan Yahay Man United Kulan Dhacay 10 Sano Ka Hor.

Xiddiga khadka dhexe uga Ciyaara kooxda Liverpool ee James Milner ayaa sheegay in uu si weyn ugu xanaaqsan yahay kooxda Man United kadib dhacdo dhacday 10 sano ka hor.

James Milner ayaa qirtay in uu wali u xanaaqsan yahay Man United kadib guuldardii ka soo gaadhay Man United Filankii League cup-ka ee sanadkii 2009.

Milner ayaa dhaliyay rikoodhe isaga oo hogaanka u dhiibay kooxda Aston Villa laakiin goolal ay dhaliyeen Wayne Rooney & Michael Owen ayaa guul soo laabasho leh kaga caawiyeen United in ay ku guulaystaan koobka.

Markii la waydiiyay in uu ka xanaaqsan yahay guuldaradii ay Aston Villa kala kulantay United finalkii sanadkii 2009 ayuu yidi”Haa Aad sida ay u badantahay”.

“Halka xasuus ee aan haysto, waa in aan dhalinay rikoodhe wakhti hore ah, laakiin final ayuu ahaa waxana cadaadis igu saarnaa in aan dhaliyo goolka waanan dhaliyay”.

“Laakiin marka aad 1/0 ku hogaaminayso ciyaarta, waxa aad ka fikiraysaa in aad ku guulaysan karto laakiin may dhicin”.

“Run ahaantii waxa jira xanaaq weyn”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here