James Milner Oo Isku Qoray Taariikhda Premier League Kadib Kulankii West Ham.

0

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Liverpool ee James Milner ayaa isku qoray taariikhda premier League kadib kulankii West Ham.

James Milner ayaa caawiye ka noqday goolkii ay kooxda Liverpool dhalisay kulankii ay bar-baraha la gashay kooxda West Ham.

Inkasta oo ay kooxdiisa Liverpool ku fashilantay in ay guul gaadho kooxda West Ham 5 dhibcoodna ku qabato horyaalka hadana James Milner ayaa dhigay rikoodh.

James Milner ayaa noqday xiddiga 7-aad ee caawiye ka noqda 81 gool oo horyaalka premier League isaga oo hal caawin ka horeeya David Beckham oo dhiibay 80 caawin.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here