Jadon Sancho Oo Si Maldahan U Sheegay Ku Biiristiisa Man United Ka Hor Inta Uuna Masaxin

Da,yarka Kooxda Borussia Dortmund ee Jadon Sancho ayaa si maldahan Twitter-ka ugu sheegay in uu ku soo wajahan yahay kooxda Man United ka hor inta uuna Masixin cadayntii uu soo dhigay.

Jadon Sancho ayaa bartilmaameed u ah kooxda Man United marka la gaadho suuqa xagaaga waxana lala xiriirinayaa in ay Red Devils ka bixin doonto 100 milyan oo euro.

Sancho ayaa xulka qaranka England u safan kara kulankiisii ugu horeeyay kulanka ugu horeeya ee is reeb-reebka Euro 2020 ee uu xulka England la ciyaari doono xulka Czech Republic.

Ka Hor Kulanka Halyeeyga Man United ee Rio Ferdinand ayaa sharaxay sababta uu u jecelyahay in uu Sancho ugu arko kooxda Man United mustaqbalka dhaw.

Rio Ferdinand ayaa u sheegay Goal” Waxa aan jecelahay in aan ku arko Man United sababta oo ah waa xiddig English ah, da,yar ah guul u gaajaysan waliba leh tayo fiican waana waxa kaliya ee aan u baahanahay”.

“Waxa aan garanayaa Jadon tan ilaa markii uu da,yar ahaa waxa aan ku garanayaa saaxiibaday, waxa aan garanayaa qoyskiisa tan ilaa markii uu da,yarka ahaa xitaa markii uuna dhalan”.

Goal ayaa Twitter-ka ku share garaysay hadalka Rio Ferdinand, Sancho ayaana sii share gareeyay hadalkii Rio Ferdinand ka hor inta uuna masixi.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here