Iyadoo La Galayo Wakhtigii Kala Guurka Ee Xilli Ciyaareedka, SADDEX Kamid Ah Xiddigaha Ugu Muhiimsan Man City Oo Dhaawac Kasoo Laabtay & Farxada Guardiola Kahor Kulanka Fulham.

Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola iyo jamaahiirta kooxdiisa ayaa war ay ku farxaan ka helaya qolka daawaynta kooxdooda kaddib markii ay heleen farxada ah soo laabashada saddex xiddig oo muhiim u ah safkooda.

City ayaa hoggaankeedii horyaalka u weyday Liverpool dhawaan sababtoo ah inay ciyaarayeen FA Cup-ka waxaana haatan hoggaanka looga hayaa laba dhibcood walow ay hal kulan oo baaqi u ah gacanta ku haystaan.

Sidoo kale Citizens ayaa toddobaadkan haysta fursad kale oo ay kula wareegi karaan hoggaanka horyaalka maadaama kooxda ay is hayaan ee Liverpool ay tijaabo adag ku mari doonto kulanka Tottenham halka ay iyagu booqan doonaan Fulham oo kaalmaha hoose ku jirta.

Haddaba, Iyadoo haatan la galayo wajigii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedka ayuu xiddigaha dhaawaca uga soo kabtay City ku jiraa isku xidhaha shaxda tababare Pep ee Ferandinho.

Fernandinho ayaa kooxdiisa ka maqnaa dhammaan saddexdii kulan ee ugu dambeeyay ee horyaalka balse waxa la filayaa inuu taam u noqdo kulanka toddobaadkan.

Sidoo kale xiddigaha lagu wado inay qayb ka ahaadaan ciyaarta ka dhici doonta Craven Cottage ayuu kamid yahay daafaca dhexe ee John Stones kaas oo dhaawac gumaarka ah kaga maqnaa xulkiisa England kulamada caalamiga ah.

Ugu dambayn, Kevin De Bruyne oo xilli ciyaareedkani u yahay mid uu dhaawacyo deris la noqday ayaa sidoo kale la rajaynayaa inuu diyaar u ahaado xulashada tababare Guardiola ee kulanka Fulham.

Nicolas Otamendi ayaa sidoo kale ku dhaw inuu taam ahaansho buuxda halo si lamid ah Benjamin Mendy oo ah daafac bidix oo inta ugu badan xilli ciyaareedkan seegay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here