Ivan Rakitic Oo Si Cajiib Ah Uga Falceliyay Amaantii Khaaska Ahayd Ee Uu Jose Mourinho Ka Helay.

Xidiga xulka qaranka Croatia iyo kooxda Barcelona ee Ivan Rakitic ayaa si cajiib ah uga falceliyay hadalkii iyo amaantii uu Jose Mourinho u soo jeediyay. Rakitic ayaa sheegay in Jose Mourinho uu isaga u amaanay si aanu xataa aabihii u amaanin wuxuuna u mahad celiyay Mourinho.

Waxay ahayd horaantii bishan March markii uu Jose Mourinho soo bandhigay in xidiga kooxda Barcelona iyo xulka qaranka Croatia ee Ivan Rakitic uu yahay xidiga kubbada cagta aduunka oo dhan loogu xaqiraada badan yahay ee aan helin amaantii iyo macquulnimadii uu kubbada cagta ku lahaa.

Jose Mourinho ayaa dhawr arimood ku sifeeyay Ivan Rakitic wuxuuna sidoo kale Mourinho ka hadlay xaalada Barcelona iyo qaabka ay xili ciyaareedkan u soo ciyaarayeen wuxuuna ku dooday in ayna ciyaarayn kubbadii quruxda badnayd ee looga bartay balse ay koox ahaan iskugu duuban yihiin.

Jose Mourinho oo si khaas ah uga hadlayay Ivan Rakitic ayaa yidhi: “Isagu (Rakitic) waa ciyaartoyga fantastik ah oo aduunka oo dhan inta ugu badan hoos loo dhigo. Waxa uu fantastik ku yahay heer walba, wuu difaac daa, waxa uu magdhaw u sameeyaa Messi, wuu ordaa wuxuuan kubbada ku dareemaa lugtiisa”.

Haddaba Ivan Rakitic oo arintan ka jawaabaya ayaa yidhi: “Maxaad sheegi kartaa?. Anigu ma hayo erayo ku filan oo aan ugu mahad celiyo Mourinho, isagu waa mid ka mid ah khabiirada ugu fiican ee aduunka. Anigu ma garanayo xataa haddii uu aabahay waligii aniga ii amaanay si ka fiican. Nooca amaantan ahi waa mid aad u fiican waanan ku raaxaystay dhegaysigeeda”.

Ivan Rakitic ayaa tan iyo sanadkii 2014 kii waxa uu Barcelona ugu soo ciyaarayay heerka ugu sareeya isaga oo ka hor kooxda Sevilla guulo waa wayn kala soo gaadhay Europa League halka uu xulka qarankiisa Croatia door wayn ugu lahaa in ay finalkii koobka aduunka soo gaadheen sanadkii la soo dhaafay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here