Ivan Rakitic Oo Ka Hadlay Wararka La Xidhiidhinaya Man United

0

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Barcelona ee Ivan Rakitic ayaa ka jawaabay wararka maalmihii ugu dambeeyay la xiriirinayay kooxda Man United.

Ivan Rakitic ayaa sheegay in ay koxoda Barcelona tahay kooxda isaga u fiican inkasta oo ay la soo saxiixdeen xiddiga da,yarka ah ee Frenkie De Jong.

Xiddiga reer Croatia ayaa si weyn loola xiriirinayaa ka tagista Camp Nou iyada oo lala xiriirinayo kooxda Man United maalmihii ugu dambeeyay.

Red Devils ayaa tartan kala kulmaysa kooxaha Inter Milan iyo Juventus kuwaas oo xiiso wakhti dheer ah u qaba xiddiga khadka dhexe.

Laakiin Rakitic ayaa sheegay in uuna wax xiiso ah u qabin in uu ka tago kooxda Barcelona wakhtiga dhaw.

“Waxa aan ku noolahay Spain”ayuu Rakitic u sheegay DAZN.

“Nasiib xumo ma raadin karo baasaboor kale sababta oo ah waxa aan haatanba haystaa 2, hadii kale waxa aan raadsanaya mid Spain ah sababta oo ah waxa aan ku faraxsanahay halkan”.

“Qoyskayga ayaa halkan ku faraxsan, gabadhaydu waxa ay la qabsatay Barcelona sidaas darteed waxa aad iigu fiican halkan”

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here