Ivan Perisic Oo Noqon Doona Xiddiga 2-aad Ee Ugu Mushaharka Badan Arsenal Xilli Uu Xiddigu Inter Milan U Gudbiyay Warqada Bixitaanka.

0

Wargayska The Sun ayaa kashifay faah-faahinta heshiiska uu xiddiga Ivan Perisic ugu soo biiri doono kooxda Arsenal inta lagu jiro suuqa January ee bishan.

Xiddiga reer Croatia ayaa si Rasmi ah maamulka Inter Milan ugu gudbiyay warqada bixitaanka si uu ugu qasbo in uu ku biiro kooxda Arsenal maalmaha yar ee ka hadhay suuqa January.

Perisic ayaa noqon doona xiddiga 2-aad ee ugu mushaharka badan kooxda Arsenal marka uu ku soo biiro kooxda Arsenal sida laga soo xigtay The Sun.

29 jirka ayaa ku dhaw in uu qaab amaah aha ugu soo biiro kooxda Arsenal ka hor inta uuna si toos ah ugu biirin dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Xiddiga ayaa jeebka ku shuban doona lacag dhan 250 kun oo Gini todobaadkii taas oo ka dhigaysa xiddiga 2-aad ee ugu mushaharka badan kana dambayn doona Mesuto Ozil.

Wargayska Mirror ayaa dhankiisa sheegaya in ay Inter Milan Arsenal u sheegtay in ay bixiso 40 Milyan oo euro si ay ula wareegto xiddiga kaalinta 2-aad ka galay koobkii adduunka Russia 2018.

Arsenal ayaa haatan Inter Milan miiska u saari doonta lacag dhan 4 milyan oo euro oo amaah ah ka hor inta ayna 40 milyan dhamaystirin xagaaga dambe.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here