Italy Oo Gumaad Gaysatay, Xulalka Spain, Argentina & Switzerland Oo Guulo Gaadhay Iyo Natiijooyinkii Kulamadii Caawa La Ciyaaray.

Xulka qaranka Argentina ayaa ka soo kabsatay guuldaradii waynayd ee ka soo gaadhay Venezuela waxayna guul xili danbe ku qaadatay ka gaadheen xulka waqooyiga Afrika ka dhisan ee Morocco. Inkasta oo uu xulka qaranka Morocco waqti dheer gool la’aan ku hayay Argentina, haddana waxay awoodi waayeen in ay ciyaarta gool la’aan ku dhameeyaan.

Xulka qaranka Argentina oo uu Lionel Messi dhaawac kaga maqnaa ayaa u baahday ilaa daqiiqadii 83 aad si ay u dhaliyaan goolka ay ugu danbayn ku jabiyeen iska caabintii xulka Morocco waxaana goolkan dhaliyay Á. Correa kaas oo Argentina ka caawiyay in ay 1-0 ku garaaceen Morocco.

Halkan hoose ka sii akhristo kulamadii kale ee la ciyaaray iyo natiijooyinkii ay xulalku ku kala baxeen.

Czech 1-1 Brazil

Xulka qaranka Brazil ayaa guul soo laabasho ah ka gaadhay Czech Republic oo gool kaga hor maray waxaana Brazil guushan ku hogaamiyay Roberto Firmino oo goolka barbaraha keenay iyo Gabriel Jesus oo laba gool xili danbe oo uu ciyaarta soo galay israaciyay.

Daqiiqadii 37 aad xulka qaranka Czech Republic ayaa Brazil kaga naxsaday goolka furitaanka waxaana goolkan u saxiixay D. Pavelka kaas oo ciyaarta ka dhigay 1-0 ay Czech hogaanka ku qabteen waxayna Brazil qaybtii hore ee ciyaarta ku fashilmeen in ay goolka barbaraha keensadaan.

Laakiin daqiiqadii 49 aad ee qaybtii labaad ee ciyaarta ayuu Roberto Firmino noqday xidiga Brazil ka saaray xaalada xun ee ay ku jireen kadib markii uu dhaliyay goolka barbaraha ee ay Selecao ciyaarta ugu soo laabteen wuxuuna ka dhigay barbaro 1-1 ah.

Daqiiqadii 83 aad Gabriel Jesus oo ciyaarta badal ku soo galay ayaa xulkiisa Brazil u keenay goolka ay shaqada badan u soo qabteen ee ay markooda hogaanka ciyaarta kula wareegeen isla markaana ay dhinaca kale ugu dhigeen natiijadii ciyaarta wuxuuna Gabriel Jesus ciyaarta ka dhigay 2-1 ay Brazil waqti xaasaasi ah ay hogaanka kula wareegtay.

Daqiiqadii 90 aad Gabriel Jesus ayaa si rasmi ah xulkiisa Brazil ugu xaqiijiyay guusha ay ka gaadheen Czech kadib markii uu awooday in uu goolkiisa labaad dhaliyo wuxuuna ciyaarta ka dhigay 3-1 ay Brazil si buuxda dhulka ugu dhigtay Czech Republic sidaa ayayna Brazil guushan ku gaadhay.

Italy 6-0 Liechtenstein

Xulka qaranka Talyaaniga ayaa si naxariis daro ah u gumaaday dhigiisa Liechtenstein iyada oo xulka Talyaanigu ay guushan ku gaadheen 6-0 waxayna soo bandhigeen qaab ciyaareed ay muddo dheer raadinayeen.

Qaabkii Goolasha Daadka Ah Ay Ciyaartoyda Talayanigu U Kala dhaliyeen:

S. Sensi (17) Marco Verratti (32)  Quagliarella (35 pen) F. Quagliarella (45+3 rekoodhe) M. Kean (69) L. Pavoletti (76)

Malta 0-2 Spain

Daqiiqadii 31 aad ee qaybtii hore ee ciyaarta ayuu xulka qaranka Spain helay goolka furitaanka waxaana goolkan u saxiixay Alvaro Morata kadib markii uu caawin ka helay Mario Hermoso wuxuuna goolkani ahaa mid ay Spain waqti dheer hogaanka ciyaarta ku hayeen.

Daqiiqadii 73 aad ayuu xulka qaranka Spain helay goolka labaad ee kalsoonida waxaana goolkiisa labaad ee kulankan dhaliyay Alvaro Morata oo markan caawin ka helay Jesús Navas waxayna ciyaartu noqotay 2-0 ay Spain  jilbaha ugu laabtay xulka Malta.

Natiijooyinkii Kulamadii La Ciyaaray Ee Caalamiga Ahaa Oo Kooban:

Morocco 0-1 Argentina

Czech Republic 1-2 Brazil

Mata 0-2 Spain

Italy 6-0 Liechtenstein

Switzerland 3-3 Denmark

Norway 3-3 Sweden

Republic of Ireland 1-0 Georgia

Bosnia-Herzegovina 2-2 Greece

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here