Iska Ilow Bar-Barihii West Ham: Xog Liverpool U Saadaalinaysa Ku Guulaysiga Premier league Oo La Helay

0

Kooxda Liverpool ayaa bar-baro kale la gashay kooxda West Ham kulan ka tirsanaa horyaalka premier League todobaadkiisii 25-aad.

Reds ayaa markii 2-aad oo xiriir ah lumisay 2 dhibcood oo muhiim ah iyada oo dib u furtay tartanka loogu jiro hanashada horyaalka premier League.

Liverpool ayaa haatan kaliya 3 dhibcood ka horaysa kooxda Man City ee Pep Guardiola tababaraha u yahay kuwaas oo hogaanka kala wareegi kara Arbacada.

Waxa laga yaabaa in ayna qalbiga taageerayaasha Liverpool ahayn mid fiican kadib bar-barihii xalay waliba shaki galinayaan awooda kooxdooda ee ku guulaysiga horyaalka xilli ciyaareedkan.

Laakiin waxa la helay xog muujinaysa in ay Reds ku guulaysan karto horyaalka premier Leaguu xilli ciyaareedkan.

Shabakada Squawka ee uruurisa xogta kubada cagta ayaa shaacisay xog kooxda Liverpool u saadaalinaysa ku guulaysiga horyaalka premier League.

Xogtaas ayaa ah kadib markii ay Liverpool gaadhay dhibicdeedii 62-aad ee premier League xilli ciyaareedkan waxa jira kaliya 4 kooxood oo horay u helay 62 dhibcood 25-ka kulan ee ugu horeeya horyaalka dhamaantoodna waxa ay ku guulaysteen premier league.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here