Isco, Pepe, Pogba, Bakayoko, Rabiot & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga

0

Waxa fooda inagu soo haya furitaanka suuqa kala iibsigaJanuarykaas oo ay kooxo badan suuqa u gali doonaan sidii ay u xoojinlahaayeenkooxdooda si koobabka ugu tartamaan qaybta dambe ee xilli ciyaareedka

Sidoo kale waxa jiri doona xiddigo si aad ah u doonaya inayisaga tagaan kooxaha ay haatan joogaan sabab la xidhiidha ciyaaris la,aan siayu raadsadaan koox ay si joogto ah ugu ciyaaraan

Hadaba kooxda.com ayaa idiin soo gudbin doonta maalinwalbasubaxnimadawararkii ugu dambeeyay ee ay wargaysyada kubada cagtu kaqoreensuuqa kala iibsiga.

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Isco ayaa hoos u dhigay wararka la xiriirinaya in uu ka tagayo kooxda suuqa January isaga oo sheegay in uuna ka tagi doonin kooxda (Deportes Cuatro).

Kooxda Man City ayaa isha ku haysa saxiixa xiddiga daafaca garabka bidix uga ciyaara kooxda Real Betis ee Junior Firpo laakiin waxa ay tartan kala kulmaysaa kooxda Real Madrid (Mirror).

Weeraryahanka kooxda Liverpool ee Dominic Solanke ayaa tijaabada caafimaadka u mari doona kooxda Crystal Palace saacadaha soo socda ka hor inta uuna dhamaystirin heshiis amaah ah (Mail).

Xiddiga u ciyaara kooxda Lille ee Nicolas Pepe oo lala xiriirinayo kooxaha Arsenal, Man City iyo Barcelona ayaa alaabka u furay in uu xagaaga ka tago kooxda (Le Voix du Nord).

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Ac Milan amaahdana uga maqan Chelsea ee Tiemoue Bakayoko ayaa shaaca ka qaaday in laga yaabo in uu si toos ah ugu biiro Milan (MilanNews).

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Borussia Dortmund ee Christian Pulisic ayaa qarka u saaran in uu ku biiro kooxda Chelsea (Calciomercato).

Kooxda Tottenham aya dalab Rasmi ah ka gudbisay saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda PSG ee Adrien Rabiot (Paris United).

Kooxda Inter Milan ayaa isku diyaarinaysa in ay Arsenal ku garaacdo saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda chelsea ee Gary Cahill (Sunday Express).

Kooxda Juventus ayaa wali ku kalsoon in ay dib ula soo saxiixan doonto saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba inkasta oo ay Man United shaqada ka caydhisay Jose Mourinho (Sunday Express).

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Man United ee Matteo Darmian ayaa bartilmaameed u ah kooxaha reer Italy ee Inter Milan iyo Lazio (Calciomercato).

Kooxda Lazio ayaa doonaysa in ay xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda chelsea ee Davide Zappacosta dib ugu celiso horyaalka Italy (Sunday Mirror).

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here