Isco Oo Ugu Dambayn Ka Baxay Aamusnaanta Mustaqbalkiisa Real Madrid-na Meel Saaray, Miyuu Baxayaa?

0

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Isco ayaa ugu dambayn aabusnaantii ka baxay kana hadlay mustaqbalkiisa kooxda Real Madrid xilli si weyn loola xiriirinayo in uu ka tagayo Real Madrid.

Isco ayaa si cad u sheegay in uuna qorshaynayn in uu ka tago kooxda Real Madrid marka la gaadho suuqa January ee bisha dambe.

“Marna kama fikirin in aan ka tago Real Madrid, waxa aan ku faraxsanahay in aan halkan joogo”ayuu Isco yidhi

“Shaki la,aan waxa aan doonayaa in aan sii joogo kooxda Real Madrid waliba kula guulaysto koobab badan, waxana aan aad ugu xamaasadsanahay sanadka cusub iyo in aan koobab kale kula guulaysto”.

Xiddiga reer Spain ayaa si weyn loola xiriirinayay in uu ka tagayo Real Madrid sabab la xiriirta in uuna si joogto ah ugu ciyaarin kooxda.

Xiddigii hore ee Kooxda Malaga ayaa qalinka ku duugay heshiis cusub oo lagu bur-burin karo lacag 700 oo milyan oo euro.

Hadalka xiddigan ayaa meesha ka saaraya xiisihii ay adeegiisa u qabeen kooxaha Man City, Chelsea, Juventus & PSG Kuwaas oo doonayay saxiixa xiddiga.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here