Isco Oo Lagu Soo Waramayo In Uu Ogolaaday In Uu Ku Biiro Juventus Laakiin Hal Dhib Ayaa Jirta.

0

Wararka ka imanaya dalka Italy ayaa maanta oo salaasa ah sheegaya in uu xiddiga kooxda Real Madrid ee Isco doonayo in uu isaga tago Real Madrid sida ugu deg-dega badan.

Wargayska CalcioMercato ayaa sheegaya in uu xiddiga reer Spain diyaar u yahay walib ogolaaday in uu ku biiro kooxda Juventus.

Wargayska ayaa sheegaya in ay dhankeeda Juventus doonayso saxiixa xiddiga reer Spain si ay ula midoobeeyaan xiddiga Cristiano Ronaldo oo ay iska soo garab ciyaareen.

Laakiin kooxda Juventus ayaa wajahaysa hal dhibaato taas oo ah lacagta ay kooxda Juventus dalbatay si ay u fasaxo xiddiga taas oo ah lacag dhan 100 milyan oo euro.

Kubad sameeyaha reer Spain ayaan ka mid ahayn qorshaha tababare Santiago Solari taas oo ku qasbaysa in uu qorsheeyo in uu isaga tago kooxda.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here