Inter Milan Oo Si Lama Filaan Ah Ugu Dhaqaaqaysa Arjen Robben & Wakhtiga Uu Ku Biiri Karo Oo La Ogaaday

0

Kadib marki ay Diego Godin ku qancisay in uu ku biiro kooxdooda Inter Milan ayaa lagu soo waramayaa in ay Si lama filaan ah ugu dhaqaaqayso saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Bayern Munich ee Arjen Robben.

Warar kala duwan ayaa sheegaya in ay kooxda Inter Milan heshiis La gaadhay khabiirka Reer Holland ee Arjen Robben.

Arjen Robben oo noqon doona 35 jir wakhti dambe oo bishan ah ayaa lagu soo waramayaa in uu si xor ah ugu biiri doono kooxda Inter Milan kadib dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Xiddiga reer Holland ayaa kooxda Bayern Munich ku soo biiray xagaagii 2009 isaga oo tan ilaa haatan ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan kooxda.

Laakiin Arjen Robben ayaa xaqiijiyay in uu isaga tagi doono kooxda Bayern Munich marka uu dhamaado heshiiskiisa haatan.

Arjen Robben ayaa la sheegayay in uu ku laaban doono horyaalka Holland laakiin xiddiga ayaa haatan badalay Fikirkiisa kuna biiri doono kooxda Inter Milan dhamaadka xilli ciyaareedkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here