Inter Milan Oo Shardi Ku Xidhay Heshiiska Isku Badalashada Ah Ee Icardi & Dyabala

Kooxda Inter Milan ayaa lagu soo waramayaa in ay kooxda Juventus hor dhigtay dalab ku saabsan heshiiska isku badalashada ee Mauro Icardi iyo Paulo Dybala.

Wargayska Corriere dello Sport ayaa sheegay in ay kooxda Inter Milan doonayso in ay lacag badan iyo waliba Dyabal doonayso hadii ay doonayaan in ay Mauro Icardi ka iibiyaan Juventus.

Icardi ayaa si aad ah ugu dhaw in uu ka tago kooxda Inter Milan kadib khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo maamulka kooxdiisa.

Waxa intaas sii dheer in uu Paulo Dybala diyaar u yahay in uu ku biiro koox ka ciyaarta horyaalka Serie A-da hadii uu helayo koox uu si joogto ah ugu ciyaaro.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Inter Milan doonayso in ayna Icardi ka iibin koox Serie A-da inkasta oo ay maskaxdeeda badali karta waliba Juventus ka iibinaysa hadii ay hesho dalab lacageed oo aad u badan iyo waliba xiddiga Paulo Dybala.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here