Inter Milan Oo Qaaday Talaabo Ivan Perisic U Dhawaynaysa Arsenal

0

Kooxda Inter Milan ayaa qaaday talaabo xiddiga Ivan Perisic ku dhawanaysa kooxda Arsenal xilli ay wadahadalo ku jiraan labada kooxood.

Inter Milan ayaa xiddiga Ivan Perisic ka reebtay kulanka ay kooxdu u safartay Torino kulan ka tirsan horyaalka Serie A-da xilli ay Arsenal wadahadalo kula jirtay saacadihii ugu dambeeyay.

Arsenal ayaa si Rasmi ah dalab uga gudbisay xiddiga reer Croatia si ay u hesho adeega xiddiga garabka ka ciyaara inta lagu jiro bishan.

Inkasta oo ay Inter Milan diiday heshiiskii isku badalashada ahaa ee ay u soo bandhigtay Mesut Ozil hadana Inter Milan ayaa diyaar u ah in ay 40 milyan ku fasaxdo xiddigan.

Wargayska La Gazzetta dello Sport ayaa sheegaya in uu tababaraha kooxda Inter Milan gabi ahaan xiddiga ka reebay kooxda maanta la ciyaari doonto kooxda Torino.

Arsenal ayaa marka hore doonaysa in ay amaah ku qaadato xiddiga inta ka dhiman xilli ciyaareedkan iyada oo Inter Milan doonaysa 40 milyan marka uu dhamaysto heshiiskiisa.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here