Inter Milan Oo Lagu Soo Waramayo In Ay Man City Kala Heshiisay Saxiixa Danilo & Faah-Faahinta Heshiiskiisa Inter

0

Kooxda Inter Milan ayaa lagu soo waramayaa in ay heshiis la gaadhay daafaca kooxda Man City ee Danilo kaas oo ay wadahadalo kula jireen 24-kii saac ee la soo dhaafay si ay adeegiisa u helaan marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga.

Wargaysyada La Gazzetta dello Sport Iyo Sky Sport ayaa sheegaya in ay Inter Milan dhamaystirtay wadahadaladii ay kula jirtay xiddiga reer Brazil kaas oo ogolaaday in uu ku biiro kooxda Inter Milan.

Wargayska La Gazzetta dello Sport ayaa intaas sii raacinaya in uu xiddiga reer Brazil qalinka ku duugi doono heshiis 4 sano ah oo uu sanadkii kooxda uga qaadan doono mushahar dhan 4 milyan oo euro.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay labada kooxood ku dhaw yihiin in ay ku heshiiyaan qiimaha xiddiga 27 jirka ah lacag dhan 20 ilaa 22 milyan oo euro si uu u dhamaystiro heshiiskiisa.

Danilo ayaa doonaya in uu ku biiro koox cusub oo uu si joogto ah ugu ciyaaro xilli ciyaareedka dambe maadama uu haatan kaydka ka yahay kooxda Man City inkasta oo uu 20 kulan ciyaaray tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.

27 jirkan ayaa ku soo biiray kooxda Man City xagaagii 2017 isaga oo ugu soo biiray llacag dhan 30 milyan oo euro kana soo biiray kooxda Real Madrid si uu boos joogto ah uga helo City una ciyaaro kulamo badan.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here