Inter Milan Oo Isaga Hadhay Xiisaha Ivan Rakitic & Man City Oo Ay Saamayn Weyn Ku Yeelanayso.

0

Kooxda Inter Milan ayaa gabi ahaanba isaga hadhay xiisihii ay u qabtay saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Barcelona ee Ivan Rakitic iyada oo badalkiisa ka arkootay kooxda difaacanaysa horyaalka premier League ee Man City.

Inter Milan ayaa isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Man City ee Ilkay Gundogan kadib markii ay isaga hadheen xiisaha Rakitic.

Tababaraha Barcelona ee Ernesto Valverde ayaa meesha ka saaray qorshe kasta oo lagu iibinayo xiddiga reer Croatia maadama uu muhiim ka yahay qorshihiisa kooxda Barcelona.

Ilkay Gundogan ayay kooxda Inter Milan u aragtaa xiddig wax weyn ku soo kordhin khadka dhexe ee xilli ciyaareedka dambe.

Xiddiga reer Germany ayaa 42 kulan u saftay kooxda Man City xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 5 gool oo kaliya waxana lagu heli karaa lacag dhan 40 milyan oo euro.

Xiddiga ayaan ku faraxsanayn kooxda Man City isaga oo diiday in uu heshiis cusub u saxiixo xilli uu kooxda Man City weerar ku qaaday kadib guuldaradii champions League.

28 jirkan ayaa kooxda Man City kula jira heshiis ilaa xagaaga 2020 ah waxana uu doonayaa in uu isaga tago kooxda Man City dhamaadka xilli ciyaareedkan kadib markii uu diiday heshiiska cusub.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here