Inter Milan Oo Heshiis Afka Ah La Gaadhay Xiddig U Ciyaara Arsenal, Mana Ahan Ozil

0

Kooxda Inter Milan ayaa lagu soo waramayaa in ay heshiis afka ah la gaadhay xiddig u ciyaara kooxda Arsenal sida ay sheegayaan wararka ka imanaya dalka Italy.

Inter Milan ayaa la sheegayaa in ay heshiis hordhac ah la gaadhay xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Arsenal ee Aaron Ramsey sida ay sheegayaan wararku.

Heshiiska xiddiga reer Wales ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana uu si xor ah uga tagi karaa kooxda ku ciyaarta garoonka Emirates.

Maamulka Arsenal ayaaa xiddiga u sheegay in ayna wax niyad ah u hayn in ay u soo bandhigaan heshiis cusub inkasta oo ay wadahadalo la fureen bilowgii.

Wargayka la Repubblica ayaa sheegaya in ay kooxda Inter Milan heshiis afka ah la gaadhay xiddiga reer Wales si ay adeegiisa u helaan dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Warka ayaa sheegaya in ay maamulka Inter Milan la kulmeen wakiilka xiddiga Arbacadii iyaga oo si Rasmi ah heshiis Afka ah ula gaadhay si uu xiddigu xagaaga ugu biiro kooxda.

Wararka ayaa intaas ku daraya in uu xiddiga reer wales kooxda Inter u sheegay in uu mushahar ahaan u doonayo lacag dhan 6 ilaa 7 milyan oo euro sanadkii taas oo ah mid ay Inter ogolaatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here