Inter Milan Oo Garaacday Ac Milan Kulan Derby della Madonnina Oo Faraha La Isaga Gubtay

0

Kulan xiiso leh oo ka tirsanaa horyaalka Serie A-da ayay Kooxda Inter Milan garaacday kooxda ay jaarka yihiin ee Ac Milan kulanka Derby della Madonnina.

Kooxda Inter Milan ayaa ahayd qaar ka fiican Ac Milan iyaga oo qaadayay weeraro cajiib ah halka ay Ac Milan ku dhibaatootay in ay dhaafto daafaca Inter Milna.

Daqiiqadii 3-aad ayay Inter Milan dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Matias Vecino kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Inter Milan ayaa sii waday dadaalka iyaga oo samaynayay fursado cajiib ah Dhanka Kale Ac Milan ayaa ku dhibaatoonaysay in ay madaxa kor u qaado.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Inter Milan soo bandhigtay qaab ciyaareed fiican Ac Milana ku dhibaatootay.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayay Inter Milan ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo qaadayay weeraro ay doonayeen in ay ku dheeryastaan hogaanka.

Daqiiqdii 51-aad ayay Inter Milan dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Stefan De Vrij kaas oo hogaanka u dheereeyay kooxda Inter Milan.

Kadib goolkii 2-aad ayay kooxda Ac Milan madaxa la kacday iyaga oo qaaday weeraro ay ku raadinaysay in ay dib ugu soo laabato ciyaarta.

Daqiiqadii 57-aad ayayy Ac Milan dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu gool madax ah u dhaliyay xiddiga khadka dhexe ee Tiemoue Bakayoko kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Inter Milan ayaa mar kale sii dheeraystay hogaanka ciyaarta daqiiqadii 67-aad iyaga oo uu rikoodhe u dhaliyay xiddiga weerarka uga ciyaara ee Lautaro Martinez kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/1.

Laakiin Ac Milan ayaan is dhiibin waxana ay bilowday sidii ay ciyaarta ugu soo laaban lahayd iyaga oo qaadayay weeraro waali ah.

Daqiiqadii 71-aad ayay Ac Milan dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Mateo Musacchio kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/3.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Inter Milan gaadhay guul ciriiri ah xilli kulanku ahaa mid aad loola dhacay oo xiiso lahaa.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here