Inter Milan oo Aad Ugu Dhaw Saxiixa Ivan Rakitic & Faah-Faahinta Heshiiska Oo La Ogaaday

Kooxda Inter Milan ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhawdahay saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Barcelona ee Ivan Rakitic.

Sida laga soo xigtay Gazzetta dello Spor farqigii u dhexeeyay Rakitic iyo Inter Milan ayaa haatan soo yaraaday kadib markii ay Barcelona miiska u saareen lacag dhan 40 milyan oo euro.

Wargayska ayaa sheegaya in ayna Barcelona kaliya raadinayn xiddig weyn laakiin sidoo kale raadinayso xiddig hogaamiye ah Rakitic ayaana leh astaamahaas.

Agaasimaha Inter Milan ee Beppe Marotta ayaa lagu soo waramayaa in ay Barcelona la xiriireen miiskaana u saareen dalabka Rasmiga ah ee ay ku doonayaan xiddiga.

La Gazzetta ayaa sheegaya in ay Barcelona dalbanayso 45 milyan oo euro laakiin ku kalsoon in ay bartamaha isugu iman doonaan si ay xiddiga u keenaan San Siro.

Inter Milan ayaa xiddiga 30 jirka ah u soo bandhigi doona heshiis 3 sano ah iyo hal sano oo dheeraad ah oo uu ku sii joogi doono kooxda.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here