Insigne, Salah, Pogba, Rashford & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Suuqii January ayaa si Rasmi ah u xidhmay laakiin taas ayaa la macno ahayn in ay kooxaha kala duwan ee yurub sidaas kaga seexanayaan arimaha.

Kooxaha reer yurub ayaa u diyaar garoobaya suuqa Xagaaga ee dhamaadka xilli ciyaareedkan iyaga oo sii indha-indhaynaya xiddigaha ay doonayaan.

Hadaba kooxda.com ayaa idiin soo gudbinaysa wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyada iyo xiddigaha ay kooxdaadu doonayso.

Waxa xusid mudan in wararka aan soo qaadano in aanan wax masuul ah ka ahayn laakiin aanu ka soo xiganay wargaysyasa ku xor xusan.

Kooxda Liverpool ayaa isku diyaarinaysa in ay dalab 70 Milyan oo euro ah ka gudbiso xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Napoli ee Lorenzo Insigne (La Repubblica).

Bayern Munich ayaa isku diyaarinaysa in ay dalab 35 milyan oo euro ah kula laabato xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda chelsea ee Callum Hudson-Odoi (Mail).

Kooxda Man United ayaa wadahadalo heshiis kordhin ah la gashay xiddiga Weerarka uga ciyaara ee Marcus Rashford oo 21 jir ah iyaga oo doonaya in ay u laba jibaaraan mushaharka 150 kun ee uu ka qaato kooxda (Telegraph).

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Man United ee Paul Pogba ayaa ka fiirsanaya in uu isaga tago kooxda Man United inkasta oo uu ku faraxsan yahay kooxda (Telefoot).

Kooxda Arsenal ayaa kaliya u sheegtay tababare Unai Emery in ay 40 Milyan oo euro kaliya suuqa ugu tala galeen xagaaga (Mirror).

Kooxda Barcelona ayaa doonaysa daafaca kooxda Ajax ee Matthijs de Ligt iyaga oo waliba diyaar la ah 75 milyan oo euro (Mundo Deportivo).

Xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah ayaa iska tagi doona Liverpool xagaaga hadii ay Reds ku guulaysan waydo horyaalka xilli ciyaareedkan (Express).

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here