Indha- Indheeyayaal Ka Socday Real Madrid Oo Xalay Daawaday Kulankii Tottenham & Chelsea, Laba Xiddig Ayay Si Gaar Ah U Daawanayeen.

0

Kooxda Real Madrid ayaa indha-idheeyayaal u soo dirtay kulankii xalay ay kooxda Tottenham guusha ka gaadhay Chelsea kana tirsanaa lugtii 1-aad ee Semi-finalka tartanka Carabao cup-ka kulan ka dhacay garoonka Wembley.

Indha-dheeyayaasha Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay daawanayeen qaab ciyaareedka xiddigaha Eden Hazard & Christian Eriksen Kuwaas oo lala xiriirinayo Real Madrid.

Labada xiddig ayaa laakiin ku fashilmay in ay soo bandhigaan qaab ciyaareed lagu qanci karo iyaga oo aan saamayn weyn ku yeelan kulanka.

Eden Hazard ayaa si weyn loola xiriirinayaa kooxda Real Madrid tan ilaa xagaagii hore xilli uu xiddigu dhawr jeer qirtay in uu ku riyoodo u ciyaarta Los Blancos.

Dhanka kale Christian Eriksen ayaa bartilmaameed u ah kooxda Real Madrid iyaga oo u arka badalka Luka Modric oo haatan Da, ah.

Los Blancos ayaa la filayaa in ay adeega labada xiddig u dhaqaaqdo marka la gaadho suuqa xagaaga dambe si ay ugu xoojiso kadib qaab ciyaareedka xilli ciyaareedkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here