Imisa Maalmood Ayay Liverpool Hogaanka U Haysay Horyaalka Premier League?

Kooxda Liverpool ayaa ku fashilantay in ay dib u soo ceshato hogaanka horyaalka premier League kadib bar-barihii ay la galeen kooxda Everton kulan ka tirsanaa todobaadkii 29-aad.

Liverpool ayaa leh 70 dhibcood halka ay Man City leedahy 71-aad oo ay ka kala heleen 29-ka kulan ee ay ciyaareen premier League.

Kadib kulankii ay Liverpool bar-baraha la gashay waxa ay Reds wayday hogaanka horyaalka premier league xilli ciyaareedkan.

Reds ayaa bar-baro gashay 4-tii kulan ee ugu dambeeyay ee tartamada oo dhan sidoo kale markii ugu horaysya wayday hogaanka premier League.

Liverpool ayaa wayday hogaanka horyaalka premier League markii ugu horaysay tan ilaa todobaadkii 15-aad ee horyaalka premier League.

Sidaas darteed Reds ayaa hogaanka horyaalka ku raaxaysanaysay 85 maalmood ka hor intii ayna xalay u waayin kooxda Man City.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here