Imisa Jeer Ayuu Malcom Daawaday Goolkii Cajiibka Ahaa Ee Uu Ka Dhaliyay Real Madrid? Isaga Ayaa Ka Jawaabay.

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Barcelona ee Malcom ayaa is baray Real Madrid Kulankiisii Ugu Horeeyay ee El Clasico isaga oo laf dhuun gashay ku noqday kooxda Real Madrid.

Malcom ayaa xitaa ka dhaliyay gool wareer ah oo aad u qurux badan kaas oo ahaa goolkii bar-baraha ee ay Barcelona kula bar-baraysay Real Madrid.

Real Madrid ayaa gool uga hor martay qaybtii hore ee ciyaarta kulan ka dhacay Camp Nou kana tirsanaa Lugta 1-aad ee Semi-finalka Copa del Rey-ga ka hor inta uuan Malcom dhalin goolka.

Malcom oo arintaas ka hadlaya ayaa u sheegay wargaydka Mundo Deportivo”Aad ayaan ugu faraxsanahay goolkii aan dhaliyay kulankaas waxana aan haatanba daawaday 100 jeer”.

“Waxa uu ahaa kulan cajiib ah ma ahayn natiijadii aan doonaynay laakiin waxa aan soo bandhigi doonaa wax walba kulanka Bernabeu”.

Kooxda Barcelona ayaa u safri doonta garoonka Santiago Solaro lugta 2-aad ee tartanka kulan ka ciyaari doono 27 bishan aynu ku jirno.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here