Ilkay Gundogan Oo Iska Diiday In Uu Heshiis Cusub U Saxiixo Man City & Pep Guardiola Oo Ka Hadlay Xaalada

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Man City ee Ilkay Gundogan ayaa iska diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Man City sida laga soo xigtay Sky Sport.

Ilkay Gundogan ayaa kooxda Man City kaga soo biiray Borussia Dortmund xagaagii 2016 waxana uu heshiiskiisa haatan dhici doonaa xagaaga 2020 laakiin waxa uu ilaa haatan diiday heshiisyadii ay Man City u soo bandhigtay.

Gundogan ayaa dhaliyay 5 gool 24 kulan oo uu Man City u ciyaaray horyaalka premier League waxana uu kulamadii ugu dambeeyay si joogto ah ugu ciyaaray kooxda.

Tababaraha Man City ee Pep Guardiola ayaa qirtay in uu doonayo in uu Gundogan heshiis cusub u saxiixo kooxda Man City ka hor inta uuna dhicin heshiiskiisa.

Laakiin Guardiola ayaa qirtay in uu u ogolaan doono xiddiga in uu isaga tago kooxda hadii uuna doonayn in uu sii joogo kooxda.

“Waxa aan jecelahay in uu Gundogan heshiis cusub u saxiixo kooxda laakiin waxa ay ku xidhantahay isaga iyo kooxda”.

“Waxa aan jeclaan lahaa in uu sii joogo kooxda laakiin hadii uu doonayo in uu boxo wuu isaga tagi karaa kooxda”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here