Iker Casillas Oo Ku Digtay Liverpool Kadib Guushii Ay Ka Gaadheen Fc Porto, Sabab

Goolhayaha Kooxda kooxda Fc Porto ee Iker Casillas ayaa ku digtay kooxda Liverpool kadib markii ay dhamaatay ciyaartii ay Reds 2/0 uga badisay kooxda Porto kulan ka tirsanaa lugta 1-aad ee 8 dhamaadka tartanka champions League.

Goolal ka yimid Naby Keita iyo Roberto Firmino ayaa Reds ka caawiyay in ay gaadho guul 2/0 ah oo ay hal lug ula sii galeen wareega 8 dhamaadka tartanka champions League.

Laakiin Liverpool ayaa ka faa,iiday laba go,aan oo uu sameeyay garsooruhu qaybtii hore ee ciyaarta.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayuu Xiddiga Trent Alexander-Arnold u muuqday mid ku taabtay gacanta kubada isaga oo u jira dilinta ganaaxa laakiin VAR ayaan wax rikoodhe ah ku abaal marin Porto.

Kadib qaybtii dambe Mohamed Salah ayaan wax digniin ah ama kaadh cas ah la siin kadib markii uu khalad xun ku galay xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Fc Porto ee Danilo.

Casillas ayaa kadib ciyaarta bogiisa Twitter-ka soo dhigay labada dhacdo isaga oo raaciyay qoraal ah” Liverpool waxa ay Nasiib ku yeelatay laba go,aan oo waaweyn”.

Liverpool ayaa Porto la ciyaari doonta lugta 2-aad ee 8 dhamaadka tartanka champions League toodbaadka dambe gaar ahaan 17 bishan April ee aynu ku jirno.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here