Icardi, Pogba, Costa, Rakitic, Lukaku & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Suuqii January ayaa si Rasmi ah u xidhmay laakiin taas ayaa la macno ahayn in ay kooxaha kala duwan ee yurub sidaas kaga seexanayaan arimaha.

Kooxaha reer yurub ayaa u diyaar garoobaya suuqa Xagaaga ee dhamaadka xilli ciyaareedkan iyaga oo sii indha-indhaynaya xiddigaha ay doonayaan.

Hadaba kooxda.com ayaa idiin soo gudbinaysa wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyada iyo xiddigaha ay kooxdaadu doonayso.

Waxa xusid mudan in wararka aan soo qaadano in aanan wax masuul ah ka ahayn laakiin aanu ka soo xiganay wargaysyasa ku xor xusan.

Kooxda Man United ayaa isaga hadhay baacsiga ay ugu jirtay daafaca kooxda Napoli ee Kalidou Koulibaly iyaga oo haatan bartilmaameedka 1-aad ka dhigtay xiddiga kooxda Inter Milan ee Milan Skriniar (Sun).

Kooxda Chelsea ayaa xiiso u qabta saxiixa weeraryahanka kooxda Inter Milan ee Mauro Icardi kadib markii ay Real Madrid isaga hadhay xiisihiisa (Sun).

Man United ayaa xiiso u qabta saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Lyon ee Tanguy Ndombele kaas oo ay sidoo kale doonayso kooxda Juventus (Metro).

Kooxda Man United ayaa Juventus u soo bandhigtay saxiixa Paul Pogba si ay iyaguna u helaan saxiixa xiddiga garabka ka ciyaara ee Douglas Costa (Tuttosport).

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Roma ee Kostas Manolas oo xiiso ka helaya kooxaha Arsenal iyo Man United ayaa lagu heli karaa kaliya 12 milyan oo euro (Mirror).

Kooxda Arsenal ayaa isku diyaarinaysa in ay dalab ka gudbiso 19 jirka khadka dhexe uga ciyaara kooxda Bayer Leverkusen ee Kai Havertz hadii uu Mesut Ozil go,aansado in uu isaga tago kooxda (TalkSport).

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Barcelona ee Ivan Rakitic ayaa dib u dhigay wadahadaladii heshiis kordhinta ee uu kula jiray kooxda Barcelona ilaa xagaaga (Marca).

Man United ayaa diyaar u ah in ay iska iibiso xiddiga weerarka uga ciyaara kooxdeeda ee Romelu Lukaku si ay badalkiisa ugu dhaqaaqdo xiddigaha Paulo Dybala Ama Mauro Icardi (Mirror).

Kooxda Man City ayaa dalab 130 Milyan ah ka gudbinaysa saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Atletico Madrid ee Saul Niguez (Mirror).

Kooxda Arsenal ayaa si lama filaan ah ugu dhaqaaday saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Ajax ee Matthijs De Ligt (Sun).

Kooxda West Ham ayaa isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Man United ee Antonio Valencia (Sun).

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here