Ian Wright Oo Amaan Gaar Ah Ugu Qubeeyay Xiddig Liverpool Ah Kadib Guushii Brighton

Halyeeyga kooxda Arsenal ee Ian Wright ayaa amaan gaar ah u soo jeediyay xiddig u ciyaara kooxda Liverpool kadib guushii dirqiga ahayd ee ay ka gaadheen kooxda Brighton.

Ian Wright ayaa amaan ugu qubeeyay xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Liverpool ee Fabinho kadib guushii Brighton ee premier League.

Mohamed Salah ayaa dhaliyay goolka guusha ee ay Reds ugu soo laabatay wadada guulaha horyaalka kadib guuldaradii Man City.

Xilli ay Joe Gomez, Dejan Lovren iyo Joel Matip dhaawac uga maqnaayeen Klopp ayaa daafaca dhexe ka ciyaarsiiyay xiddiga khadka dhexe ee Fabinho.

Laakiin xiddiga reer Brazil ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay isaga oo aamusiyay xiddigaha weerarka uga ciyaara Brighton.

“Fabinho waxa uu qabtay shaqo fiican, waxa la filayay in uu sameeyo khaladaad laakiin waxa uu qabtay shaqo fiican”.

“Fabinho waxa uu muujiyay awoodiisa dabiicigaah ee daafaca iyo waliba go,aamo muhiim ah”.

“Waxa uu ka helay naftiisa meel uu khatarta ka hor istaagi karo kooxdiisa, waxana uu u muuqday mid aad u dagan”.ayuu sii raaciyay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here