Kooxda Barcelona ayaa ku guulaysan karta horyaalka La Liga todobaadkan marka ay la ciyaari doonto maanta oo sabti ah kooxda Levante kulan ka dhici doona garoonka Camp Nou.
Kooxda Ernesto Valverde ayaa 9 dhibcood ka horeeya kooxda kaalinta 2-aad ee Atletico Madrid xilli 4 kulan ka hadhsan yihiin horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.
Barca ayaa la filayaa in ay is badal ku samayso shaxdeeda iyaga oo isha ku haya kulanka adag ee ay Arbacada la ciyaari doonaan kooxda Liverpool kulan ka tirsan champions League.
Kulanka: Barcelona Vs Levante
Tartanka: La Liga
Wakhtiga: 9:30 Habeenimo
Garoonka: Camp Nou
XAQIIQOOYINKA KULANKA:
Kooxda Barcelona yaaa saddex jeer la kulantay Levante iyada oo Barcelona 5/0 uga badisay lugtii hore ee horyaalka La Liga halka ay 4/2 uga badisay labadii lugood ee tartanka Copa del Rey bishii January.
Lavante ayaa Barcelona ku garaacday 5/4 kulankii ugu dambeeyay ee horyaalka xilli ciyaareedkii hore laakiin kooxda ka dhisan magaalada Valencia ayaa laga dhaliyay 19 gool 4-tii kulan kulan ee ugu dambeeyay ee ay booqatay Camp Nou.
Shaxda Laga Yaabo In Ay Labada Kooxood ku Soo Galaan:
Barcelona: Ter Stegen; Semedo, Pique, Lenglet, Alba; Arthur, Busquets, Vidal; Coutinho, L Suarez, Messi
Levante: Fernandez; Coke, Nunes, Rober, Garcia; Bardhi, Vukcevic, Gomez; Morales, Marti, Jason