Hordhac: Wolves Vs Man United: Red Devils Oo Doonaysa In Ay Ku Soo Laabato Wadada Guulaha

Kooxda Man United ayaa marti u noqon doonta kooxda Wolves kulan ka tirsan 8 Dhamaadka tartanka FA Cup-ka kulan ka dhici doona garoonka Molineux Stadium.

Man United ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo si aad ah u doonaya in ay gaadhaan guul si ay ugu soo laabtaan wadada saxda ah kadib guuldaradii Arsenal.

Dhanka kale Wolves oo xilli ciyaareedkan dhuunta u gashay kooxihii waaweyn ee ayaa doonaysa in ay Man United ka reebto tartanka.

Kulanka: Wolves Vs Man United

Tartanka: FA Cup

Wakhtiga: 10:55 Habeenimo

Garoonk: Molineux Stadium

Man United ayaa tartanka FA Cup-ka ku guulaystay 12 jeer iyada oo kaliya hal koob ka yar kooxda ugu koobabka Badan FA Cup-ka ee Arsenal.

Kulankan ayaa noqon doona kulankii 100-aad ee kooxaha Wolves iyo Man United ee tartamada oo dhan, Marka lagu daro markii Man United loo yaqaanay magaca “Newton Heath” waxana ay kulankii ugu horeeyay Wolves kaga badisay 10/1 kulan horyaalka ah sanadkii October 1892.

Man United ayaa badisay 4-tii kulan ee FA Cup-ka ee ay ka gir tagtay kooxda Wolves halka Wolves kaliya badisay 2 kulan.

Kulankan ayaa ah markii 4-aad ee ay Kooxaha Man United iyo Wolves isaga hor yimaadaan 8 dhamaadka champions League iyada oo United 5/3 ku badisay kulan ka dhacay Molineux sanadkii 1965-aad halka ay 3/2 uga badisay 1976-kii.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here