HORDHAC : Wolves VS Arsenal? Gunners oo dib ugu soo laaban karta booska afaraad iyo Wolves oo ah koox sharteeda wadata

0

kooxda Arsenal oo guul daro kala soo kulantay Kooxda Crystal Palace ayaa caawa kulan xiiso badan waxa ay la yeelaneysaa Koooxda Wolves oo si weyn u taqaan hanbka loola xisaabtamo kooxaha waaween.

Hadii ay guul gaarto Arsenal waxa ay si toos u fadhiisan doonaan booska afaraad ee kala sareenta horyaalka Premier League.

Wararka labada Koox ee ka hor kulanka :

Tababaraha kooxda Wolves Nuno Espirito Santo ayaa heysta koox buuxda oo taam ah oo uu kala hor tagi karoo Kooxda Arsenal .

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Belgium Leander Dendoncker ayaa laga yabaa in mar kale ku soo laabto safka koowaad kaddib markii uu helay dooqa koowaad ee macalinka kulankii sabtida.

Arsenal waxaa ka maqnaan doona Aaron Ramsey iyo Denis Suarez oo dhaawac ah, halka Granit Xhaka xaalkiisa qiimeen lagu sameen doono. .

Sokratis Papastathopoulos ayaa ka soo laabtay ganaax labo kulan ah, laakiin Hector Bellerin, Rob Holding iyo Danny Welbeck ayaa dhamaantood dhaawacyo muddo dheer ku maqan

Ogeysiiska Ciyaarta :

Kulanka : Wolves VS Arsenal ( Premier league)

Goobta : Molineux Stadium

Goorta : 9 : 45 oo Habeenimo

Garsoorka : Stuart Attwell

Xaqiiqooyinka laga diwaan giliyey ciyaarta :

Arsenal ayaan laga badin sagaal kulan oo Premier League ah oo ay wajahday Wolves, iyagoo badiyay 7 jeer.

Wolves ayaa guul la’aan ah 16 kulan oo heer caalami oo ay wajahday Arsenal (4-bareejo iyo 12 – qasaaro) tan iyo markii ay 3-2 kaga badiyeen Highbury 1979.

Kooxda Wolves ayaan marna garoonkeeda kaga badin Gunners tartamada oo dhan, 9-kulan oo ay ku ciyaareen 8-ka mid ah waa laga badiyey tan iyo guushii 1-0 oo dhacday bishii October 1978.

Kooxda Arsenal Waxa ay lumiyeen afar ka mid ah todobadii kulan ee ugu dambeeyey ee ay ka horyimaadeen kooxaha haatan ku jira qeybta hore ee horyaalka.

Kooxda Unai Emery ayaa keliya hal kulan shabaqa ilaashatay 16 kulan oo ay marti ahaayeen xilli ciyaareedkan 2018-19.

Eeg safafka Macquulka ah ka hor kulanka inta aan la baasan :

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here