Hordhac: Wolverhampton Wanderers Vs Liverpool: Reds Oo Looga Gacan Sareeyo Kulamada FA Cup-ka

Kooxda Liverpool ayaa marti u noqon doonta kooxda Wolves kulan ka tirsan tartanka FA Cup-ka wareega 3-aad kana dhici doona garoonka Molineux Stadium.

Liverpool ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo isha ku haya in ay ku soo laabtaan wadada guulaha kadib markii ay la kulmeen guuldaradii ugu horaysay ee horyaalka premier League.

Jurgen Klopp ayaa la filayaa in uu is badalo ku sameeyo shaxdiisa si uu xiddigaha muhiimka ah ugu nasiyo kulanka sabtida dambe.

Kulanka: Wolverhampton Wanderers Vs Liverpool

Tartanka: FA Cup-ka

Wakhtiga: 10:46 Habeenimo

Garoonka: Molineux Stadium

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Liverpool ayaan wax guuldaro ah kala kulmin 6-dii kulan ee ay wolves ku booqatay garoonkeeda Molineux iyada guul gaadhay 3-dii kulan ee ugu dambeeyay tan ilaa guuldaradii ay kala kulantay bishii August 1981.

Reds ayaa ku badisay 2/0 kulan ka dhacay Molineux ahna midkii ugu horeeyay ee premier League ee muddo 7 sano ah dhex maray labada kooxood.

Wolves ayaa badisay 4 ka mid ah 6-dii kulan ee FA Cup-ka ee ay ka hor tagtay Liverpool iyada oo uu ka mid yahay kulankii ay ka badisay ee January 2017 kana dhacay Anfield.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here