Hordhac: West Ham Vs Liverpool: Liverpool Oo Kulanka U Soo Galaysa In Ay Soo Celiso 5-tii Dhibcood Ee Ay ka Horaysay Man City.

Kooxda Liverpool ayaa marti u noqon doonta kooxda West Ham kulan ka dhici doona garoonka London Stadium kulan ka tirsan premier League.

Hogaamiyayaasha Horyaalka ee Liverpool ayaa isha ku haya ku soo laabashada wadada guulaha kadib markii ay bar-baro kala kulmeen kooxda Leicester City bartamihii todobaadka.

Dhanka kale Kooxda West Ham ayaa gaaraan guul kadib markii ay laba kulan oo xiriir ag guuldaro la kulmeen horyaalka Premier League.

Kulanka: West Ham Vs Liverpool

Tartanka: Premier Leageu

Wakhtiga: 11:00 Habeenimo

Garoonka: London Stadium

West Ham ayaa guuldaro kala kulantay 4-tii kulan ee ugu dambaysay premier League ay la ciyaartay Liverpool iyaga kulan kasta laga dhaliyay 4 gool.

Liverpool ayaa shabaqeeda ilaashatay 6 kulan oo ay premier League ku ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda xilli ciyaareedkan waana in ka badan intii ay ilaashatay dhamaan xilli ciyaareedkii hore.

Mohamed Salah ayaa ku lug lahaa 5 gool 3-dii kulan ee uu premier League ka hor tagay West Ham 4 gool iyo hal caawin.

Salah ayaa haatan dhaliyay 48 gool oo premier League ah oo uu u dhaliyay Liverpool hadii uu 2 gool ka dhaliyo West Ham waxa uu noqon doonaa xiddigii ugu deg-dega badnaa ee 50 gool u dhaliya koox premier League ah isaga oo sidaas ku samayn doona 61 kulan.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here