Hordhac: West Ham Vs Arsnenal: Gunners Oo Aan Garoonka West Ham Guuldaro Kala Kulmin 13 Sano

0

Kooxda Arsenal ayaa u safri doonta garoonka London Stadium kulan ka tirsan todobaadkii 22-aad ee premier League si ay ula ciyaarto kooxda West Ham.

Kooxda West Ham ayaa raadinaysa kulankana u soo galaysa guusheedii ugu horaysya ee 3 kulan oo premier League ah.

Dhanka kale Arsenal ayaa kulanka ku haysa in ay gaadho guusheedii 2-aad oo xiriir ah kulanka London Derby kadib markii ay kulankii hore garaacday Fulham.

Kulanka: West Ham Vs Arsnenal

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 3:30 Galabnimo

Garoonka: London Stadium

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Arsenal ayaan laga badinin 11 kulan oo Ay West Ham kula ciyaartay garoonkeeda tartamada oo dhan tan ilaa markii ay guuldaro 1/0 ah kala kulmin horyaalka Premier League bishii November 2006.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa shabaqa soo taabtay afartiisii ​​kulan ee ugu danbeysay ee London derbies, isagoo dhaliyay lix gool iyo 2 caawin.

17-kii gool ee ay premier League isa dhaliyeen labada kooxood ayay 15 ka mid ah dhasheen qaybta dambe ee ciyaarta,

West Ham ayaa guuldarooyina ugu badan ee premier League kala kulantay Arsenal iyada oo kala kulantay 29 guuldaro ahna kooxda ugu badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here