Hordhac: Watford Vs Chelsea: Blues Oo Doonaysa In Ay Saxdo Wixii Ka Khaldamay Kulankii Hore

0

Kooxda Watford ayaa marti galin doonta kooxda chelsea ee dhaawacan kulan ka tirsan todobaadkii 19-aad ee horyaalka premier League kulan ka dhici doona garoonka Vicarage Road.

Kooxda Watford oo wacdaro dhigaysa kulamadii ugu dambaysay ayaa raadinaysa guusheedii 4-aad oo xiriir ah horyaalka premier league kulamadii ugu dambeeyay.

Dhanka kale kooxda cheslea ayaa raadinaysa kulankana u soo galaysa in ay dib ugu soo laabato wadada guulaha kadib guuldaradii kas oo gaadhay Leicester City.

Kulanka: Watford Vs Chelsea

Tartanka: Premier league

Wakhtiga: 10:30 Habeenimo

Garoonka: Vicarage Road

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Shantii kulan ee premier League ugu dambaysay ee labada kooxood ku dhex martay garoonka Vicarage Road waxa ay koox walba badisay 2 kulan hal kulana bar-baro ayay ku kala bexeen.

Watford ayaa raadinaysa in ay chelsea ka gaadho guusheedii 2-aad oo xiriir ah markii ugu horaysay tan ilaa April 1987-kii.

Afartii kulan ee ugu dambaysay ee ay labadan kooxood wada ciyaareen premier League waxa laga dhaliyay 21 gool Watford ayaa dhalisay halka Chelsea dhalisay 11.

Chelsea ayaan wax guuldaro ah la kulmin 13-kii kulan ee ugu dambeeyay ee Boxing Day-ga 8 kulan way badiyeen 5 kale bar-baro ayay galeen iyada oo ay guuldaradii ugu dambaysay dhacday 2003/2004.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here