Hordhac: Villarreal vs Real Madrid: Real Madrid Oo Ku Fashilantay 2-dii Kulan Ee Ugu Dambeeyay Ee Ay La Ciyaartay Villarreal

0

Real Madrid ayaa booqan doonta Garoonka Estadio de la Ceramica oo ay kula ciyaari doonto kooxda Villareal kulan baaqi ka ahaa todobaadkii 17-aad ee horyaalka La Liga.

Los Blancos ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo ku guulaystay koobka Club World cup-ka ishana ku haya in ay sii wadaan wadada guulaha.

Villareal ayaa dhankeeda fasaxii jiilaalka gashay iyaga oo bar-baro la dhaafi waayay kooxda Huesca kuwaas oo u soo dalacay horyaalka xilli ciyaareedkkan.

Kulanka: Villarreal vs Real Madrid

Tartanka: La Liga

Wakhtiga: 11:30 Habeenimo

Garoonka: Estadio de la Ceramica

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Villarreal Ayaa guulo ka gaadhay Real Madrid xilli ciyaareedkii hore iyada oo kulankii ka dhacay Bernabeu kaga badisay 1/0 ka hor inta ayna lugtii 2-aad ku qaban bar-baro 2/2 ah.

Si kasta ha ahaatee Real Madrid ayaa gacan saraysa kulamada tooska ah ee labada kooxood 10-kii sano ee ugu danbaysay iyaga oo kaliya hal guuldaro la kulmay 8-dii kulan ee ay booqatay garoonka Villarreal iyaga oo badiyay 4 kulan bar-barana galay 3.

Real Madrid ayaa dhalisay kaliya ugu yaraan hal gool marka laga reebo hal kulan 10-kii kulan ee ugu dabeeyay ee ay booqdeen Villarreal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here