Kulanka ugu xiisaha badan todobaadkan premier League ayuu dhex mari doonaa kooxaha Tottenham iyo Man United kulan ka dhici doona garoonka Wembelye kulan ka tirsan todobaadkii 22-aad.
Tottenham ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo isha ku haya guushoodii 7-aad 8-dii kulan ee ugu dambeaysay ee horyaalka premier League.
Dhanka kale kooxda Man United ayaa isha ku haya guushoodii 5-aad oo xiriir ah horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.
Kulanka: Tottenham Vs Man United
Tartanka: Premier League
Wakhtiga: 7:30 Fiidnimo
Garoonka: Wembley
XAQIIQOOYINKA KULANKA:
Tottenham ayaa noqonaysa kooxdii ugu horaysay tan ilaa Everton sanadkii 1987 ee 4 guulood oo xiriir ah ka gaadha Man United.
Harry Kane iyo Lucas Moura ayaa laga yaabaa inay noqdaan ciyaartoyda seddexaad iyo afaraad ee Man United gool ka dhaliya Minin iyo Marti xilli ciyaareed kaliya.
Man United ayaa isha ku haysa in ay horumariso rikoodhkooda kooxaha reer London ee garoonkooda kadib markii ay kaliya guul gaadha 4 kulan 17-kii kulan ee ay booqatay caasimada.
Marcus Rashford ayaa isha ku haya in uu gool dhaliyo kulankii 3-aad oo xiriir ah premier Leageu markii ugu horaysay.