Hordhac: Tottenham Vs Man City: Citizen Oo Rikoodh Xun Ku Leh Kulamada Ay Yurub La Ciyaarto Kooxaha Reer England, Miyay Soo Afjari Doontaa?

Kulan xiiso leh ayaa garoonka Tottenham Hotspur Stadium ku dhex mari doona kooxaha Tottenham iyo Man City kana tirsan lugta 1-aad ee 8 dhamaadka tartanka champions League.

Labada kooxood ayaa kulanka u soo galaya sidii ay u gaadhi lahaayeen guul ay hal lug kula galaan Semi-finalka tartanka champions League xilli ciyaareedkan kulanka oo ah mid si weyn loo sugayo.

Man City oo ka mid ah kooxaha loo saadaalinayo ku guulaysiga tartanka champions League xilli ciyaareedkan ayaa doonaysa in ay garoonka Spurs kala soo baxdo natiijo fiican.

Dhanka kale Tottenham ayaa kulanka u soo galaysa sidii ay garoonkeeda ugu gaadhi lahayd guul ama bar-baro ay waliba shabaqeeda ilaashatay si ay u xoojiso fursadeheeda wareega xiga.

Kulanka: Tottenham Vs Man City

Tartanka: Champions League

Wakhtiga: 10:00 Habeenimo

Garoonka: Tottenham Hotspur Stadium

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Tottenham ayaan la ciyaarin koox England ah tartamada Yurub tan ilaa April 1973 markaas oo ay la ciyaareen kooxda Liverpool oo tartanka kaga reebtay Semi-finalka UEFA Cup.

Kooxda Man City ayaa laga badiyay dhamaan kulamadii tartanka yurub ee ay ka hor tageen kooxaha reer England iyaga oo guuldaro kala kulmay Chelsea Labadii lugood ee Semi-finalka Cup Winners ee sanadkii 1970/1971 iyo labadii guuldaro ee ay kala kulmeen Liverpool xilli ciyaareedkii hore 8 dhamaadka champions League.

Kulankan ayaa ah midkii ugu horeeyay ee Abid yurub ah ee dhex mara kooxaha Tottnehma iyo Man City halka uu sidoo kale yahay kulankii 157-aad ee dhexmara labada kooxood tartamada oo dhan.

Kooxda Man City ayaa badisay 11 ka mid ah 16-kii kulan ee ay la ciyaartay Tottenham premier League halka ay kala kulmeen 4 guuldaro iyo hal bar-baro.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here