Hordhac: Tottenham Vs Chelsea: Blues & Spurs Oo Markii 3-aad Ku Kulmi Doona Semi-Final-ka Carabao Cup-ka

Kooxda Tottenham ayaa marti galin doonta kooxda Chelsea kulan ka tirsan lugtii 1-aad ee Semi-finalka tartanka Caraboa cup-ka kulan ka dhici doona garoonka Wembley Stadium.

Blues ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo isha ku haya in ay ka aarsadaan Tottenham oo garoonka Wembley Stadium ku garaacday kulan premier League ahaa.

Dhanka kale Tottenhma ayaa kulanka u soo galaysa iyaga oo isha ku haya u tartamida koobkii ugu horeeyay ee xilli ciyaareedkan.

Kulanka: Tottenham Vs Chelsea

Tartanka: Caraboa cup

Wakhtiga: 11:00 Habeenimo

Garoonka: Wembley Stadium

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kulankan ayaa ah midkii 9-aad ee ay isaga hor yimaadaan kooxdaha Chelsea iyo Tottenham iyo midkii ugu horeeyay ee tan ilaa finalkii 2015, 8-dii kulan ee hore Spurs ayaa badisay 2 kulan halka ay Chelsea badisay 4 kulan bar-barana ku kala bexeen 2 kulan.

Kooxaha Tottenham iyo Chelsea ayaa markii 3-aad ku kulmi doona semi-finalka Carabao cup-ka iyaga oo horay ugu kulmay 1971/1982 iyo 2001/2002.

Chelsea ayaa u soo baxday finalka Caraboa cup-ka 4 ka mid ah 5-tii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ku hor martay kulanka martida .

Tottenham ayaa badisay 2-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ka hor tagtay chelsea labada kulan oo ahaa premier League laakiin waligood kamay badin 3 kulan oo xiriir ah.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here