Hordhac: Tottenham Vs Arsenal: Gunners Oo Isha Ku Haysa Rikoodh Ay Kaliya 4 Jeer Oo Hore Ku Dhigtay Tottenham

0

Kooxda Tottenham ayaa mari galin doonta kooxda Arsenal kulan ka tirsan todobaadkii 29-aad ee horyaalka premier League kulan ka dhici doona garoonka Wembley Stadium.

Tottenham ayaa kulanka soo galaysa iyada oo doonaysa in ay ku soo laabato wadada guulaha kadib laba kulan oo xiriir ah oo ay la kulantay guuldaro.

Dhanka kale Arsenal ayaa kaliya hal dhibic u jirsan karta kaalinta 3-aad ee kala saraynta hadii ay ka badiso kooxda Tottenham.

Kulanka: Tottenham Vs Arsenal

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 3:30 Galabnimo

Garoonka: Wembley Stadium

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kaliya Hal mar oo taariikhda heerka sare ee Kubada Cagta England ayay kooxda Tottenham 3 jeer oo xiriir ah Arsenal garaacday kulan ay marti galisay premier League waxana ay dhacday intii u dhexaysay January 1960 ilaa August 1961.

Arsenal ayaa raadinaysa in ay laba kulan oo premier League ah guul ka gaadho Tottenham kaliya markii 4-aad iyada oo sidaas horay u samaysay sanadihii 2004/05, 2007/08 & 2013/14.

Tottenham ayaan 3 kulan oo xiriir ah guuldaro kala kulmin horyaalka tan ilaa November 2012 guuldaradii 3-aad ayaa ahayd mid ka soo gaadhay Arsenal, markii ugu dambaysay ee ay Tottenham la kulantay 3 guuldaro oo xiriir ah premier League waxa ay ahady November 2012 markaas oo ay Arsenal guuldarada 3-aad dhabarka u saartay Tottenham.

Harry Kane ayaa dhigi doona rikoodh Premier League ah kulamada Arsenal iyo Tottenham hadii uu gool ka dhaliyo kulanka, Kane ayaa Arsenal ka dhaliyay 8 gool 8-dii kulan ee uu ka hor tagay Premier League waxana uu haatan rikoodhkaas kula bar-baro ahay Emmanuel Adebayor kaas oo 8 gool dhaliyay 13 kulan.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here