Hordhac: Swansea City v Manchester City: Citizen Oo Markii Ugu Horysay FA Cup-ka Ka Hor Imanaysa Swansea City

Kooxda Man City ayaa marti u noqon doonta kooxda championship-ka ee Swansea City kulan ka tirsan 8 dhamaadka tartanka FA Cup-ka.

Citizen ayaa doonaysa in ay sii wado dagaalka tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan iyaga kulanka u soo galaya sidii ay isaga xaadirin lahaayeen Semi-finalka.

Dhanka kale Swansea City ayaa kulanka u soo galaysa in ay Ka yaabsato kooxda Pep Guardiola tartankana ka reebto.

Kulanka: Swansea City Vs Man City

Tartanka: FA Cup

Wakhtiga: 8:20 Fiidnimo

Garoonka: Liberty Stadium

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kulankan ayaa noqon doona midkii ugu horeeyay ee tartanka FA Cup-ka ah ee kulmiya kooxaha Swansea City iyo Manchester City.

Kooxda Man City ayaa Swansea City Garaacday 10 kulan oo ka mid ah 11-kii kulan ee tartamada oo dhan.

Man City ayaa xilli ciyaareedkii hore garaacday Swansea City 2 kulan oo premier League ah iyaga oo ka dhaliyay 9/0.

Kooxda Swansea City ayaa isha ku haysa in ay gaadho Semi-finalka FA Cup-ka Markii 3-aad kadib markii ay horay u gaadheen sanadihii 1925-26 & 1963-64.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here