Hordhac: Southampton Vs Man City: Citizen Oo Doonaysa In Ay Ka Fogaato Guuldaro 3-aad Oo Xiriir Ah

Kooxda Man City ee dhaawacan ayaa marti u noqon doonta kooxda Southampton kulan ka tirsan todobaadkii 20-aad ee horyaalka premier League kulan ka dhici doona garoonka St. Mary’s Stadium.

Man City ayaa kulanka soo galaysa iyada oo ku jirta kaalinta 3-aad ee kala saraynta sidoo kale la kulantay 2 guuldaro oo xiriir ah horyaalka premier League.

Dhanka kale Southampton ayaa kulanka soo galaysa iyada oo guuldaro la kulantay 3 ka mid ah 5-tii kulan ee ugu dambaysay 5 dhibcood kaliyana u xigta booska looga hadho premier League.

Kulanka: Southampton Vs Man City

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 5:15 Galabnimo

Garoonka: St. Mary’s Stadium

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Man City ayaa badisay 4-tii kulan ee ugu dambaysay ee ay la ciyaartay Southampton iyada oo kaga badisay 12/2 laakin waligood 5 kulan oo xiriir ah kamay badin Southampton premier league.

Kadib 6 kulan oo xiriir ah oo ay shabaqooda ilaashadeen Man City ayaa 8 gool laga dhaliyay 9-kii kulan ee ugu dambeeyay ee horyaalka premier league.

Southampton ayaa badisay hal kulan oo ka mid ah 11-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaartay Man City waxana ay kulankaas uga badisay 4/2 xilli ciyaareedkii 2015/2016.

Xiddiga Man City ee Raheem Sterling ayaa si toos ah ugu lug lahaa 10 gool 10-kii kulan ee ugu dambeeyay premier League uu ka hor tagay Southampton 6 gool iyo 4 caawin

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here