Hordhac: Sevilla Vs Barcelona: Shaxda Macquulka Ah & Xogta Kale Ee Ku Saabsan Kulanka Copa del Rey

Kooxda Sevilla ayaa garoonkeeda Estadio Ramon ku soo dhawayn doonta kooxda Barcelona kulan ka tirsan lugta 1-aad ee Semi-finalka tartankaCopa del Rey.

Kulankan ayaa ku celis u ah finalkii Copa del Rey ee ay labada kooxood isaga hor yimaadeen sidoo kale ku qaaday kooxda Barcelona.

Sevilaa ayaa kulanka u soo galaysa sidii ay uga aarsan lahayd kooxda Barcelona ugana gaadhi lahayd guul ka caawisa in ay hal lug la sii gasho wareega xiga.

Dhanka kale Barcelona ayaa isha ku haysa in ay sii wadato difaacashada tartanka Copa del Rey oo ay sanadihii ugu dambeeyay xiriir ugu guulaysanaysay.

Kulanka: Sevilla Vs Barcelona

Tartanka: Copa del Rey

Wakhtiga: 11:30 Habeenimo

Garoonka: Estadio Ramon

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kooxda Barcelona ayaa guul 4/2 ah ka gaadhay kooxda Sevilla xilli ciyaareedkan kulan ka tirsan horyaalka La Liga qaybtiisii hore.

Kulankii ugu dambeeyay ee ay labada kooxood isaga hor yimaadaan garoonka Estadio Ramon waxa uu ku dhamaaday bar-baro 2/2 ah waxana uu dhacay bishii March 2018

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here