Hordhac: Sevilla Vs Barcelona: Blaugrana Oo Ka Gacan Saraysa Dhigeeda Sevilla Kulamada Tooska Ah

Kooxda Sevilla ayaa marti galin doonta kooxda Barcelona ulan ka tirsan horyaalka La Liga kana dhici doona garoonka Ramon Sanchez-Pizjuan Stadium.

Kulankan ayaa noqon doona midkii 5-aad ee dhex mara labada kooxood xilli ciyaareedkan kadib kulamadii Spanish Super Cup, Laba kulan oo Copa Del Rey ah iyo hal kulan oo La Liga ahaa.

Kooxda Barcelona ayaa kulanka u soo galaysa sidii ay talaabo kale ugu qaadi lahayd ku guulaysiga horyaalka La Liga xilli Ciyaareedkan.

Tababare Ernesto Valverde ayaa la filayaa in uu is badal ku sameeyo shaxdiisa maadama uu bartamaha todobaadkan la ciyaari doono Real Madrid lugta 2-aad ee Copa Del Rey-ga

Kulanka: Sevilla Vs Barcelona

Tartanka: La Liga

Wakhtiga: 6:15 Galabnimo

Garoonka: Ramon Sanchez-Pizjuan Stadium

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kulankan ayaa noqon doona midkii 169-aad ee ay wada kulmaan kooxaha Barcelona iyo Sevilla iyada oo Blaugrana Badisay 93 kulan halka ay kooxda Sevilla badisay 40 kulan.

Kulankii ay labada wada ciyaareen horyaalka xilli ciyaareedkan ayay kooxda Barcelona ku badisay 4/2 iyada oo ay goolasha u dhaliyeen xiddigaha Philippe Coutinho, ‚ÄčLionel Messi, Luis Suarez & ‚ÄčIvan Rakitic.

Sevilla ayaa ka aar gudatay kadib markii ay 2/0 uga badiyeen Barcelona lugta 1-aad ee Copa Del Rey-ga laakiin Barcelona ayaa lugtii 2-aad ku garaacday Sevilla 6/1.

Shaxda Macquulka Ah Ee Labada Kooxood:

Sevilla: Vaclik; Gomez, Kjaer, Mercado; Navas, Sarabia, Banega, Vazquez, Escudero; A Silva, Ben Yedder

Barcelona: Ter Stegen; Semedo, Umtiti, Pique, Alba; Vidal, Busquets, Rakitic; Dembele, L Suarez, Messi

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here