Qaranka Senegal ayaa kulan adag oo koobka aduunka ah  waxa ay ku wajahayaan Holland kuwaasi oo wata rikoor ah in qaran African guul darro kala kulmin iyadoo tartankaan la joogo .

Xogta Geeska

*Kulankaan ayaa noqonaya midkii ugu horeeyay ee Senegal iyo holland dhex mara , Holland wax guul darro ah kalama  kulmin  qaran African ah iyadoo la joogo koobka aduunka , sedex badis iyo hal  bar bar dhac ayay ka wataan , halka Senegal iyana aysan guul darro wareegga Group-yada ah  kala kulmun qaran Yurub ah laba guul iyo hal bar bar dhac ah ayay wataan

* Holland wax guul darro ah lama kulmin  8-dii kulan ee ugu dambeeysay ee furitaanka koobka aduunka , 6 guul iyo laba bar bar dhac ayay wataan halka Senegal ay badiyeen labadii kulan ee furitaanka tartankaan , France iyo Bolland ayay ku sameeyeen sidaas 2002 iyo 2o18

*Senegal 8 kulan ee ay ka ciyaareen koobkaan hal kulan kaliya ayay shabaqooda ilaalsadeen , waana kulankii France May 2002-dii la ciyaareen xilligaas oo ay hal gool uga badiyeen .

*Waa marii sedexaad ee Senegal ka qeyb galayaan koobka aduunka , waxa ayna 2002 soo gaareen quater finalka halka 2018-kiina lagu reebay wareegga Group-yada

*Holland ayaa badisay 11 kulan oo qeyb ka ah 14 kii kulan e ugu dmabeeyay ee koobka aduunka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here