HORDHAC : Schalke 04 vs Manchester City xogta kulanka oo dhameestiran iyo xaqiiqooyinkiisa

Schalke oo aan badin kulan ka tirsan wareega 16-ka tan iyo xili ciyaareedkii 2010/11 ayaa garoonkeeda ku soo dhaweeneysa kooxda Manchester City oo uu qeeb ka yahay wiilkoodii hore ee Leroy Sané.

Man city ayaa ku dadaaleysa sidii ay sanadkan heer wanagsan ugu soo gaari laheed tartanka Champions League , waqtigoodii ugu wanaagsanaa waxa ay soo tiigsadeen wareega afar dhamaadka.

Macalin pep si wacan ayuu u garanayaa kooxdan lix kulan oo uu ka hor yimid isaga oo macalin ah ayuu guul ka gaarayey caawana waxa uu ka hor imaanaya isaga oo mamulaya kooxda Man city .

Wararka labada ka hor inta ciyaarta aan la baasan :

Schalke ayaa la soo saxiixatay 18-jirka lagu magacaabo Rabbi Matondo kaas oo kaga soo biiray kooxda Manchester City suuqii January balse lama hubo in uu fursad u heli karo ka soo muuqshada labada lug .

Daaficii hore ee kooxda City Matija Nastasic ayaa ka hor imaan doona kooxdiisii hore kulanka caawa halka Sebastian Rudy, oo lala xiriirinayey kooxda Man City suuqii Janury uu kulankan ka soo muuqan doono .

Amine Harit iyo Weston McKennie ayaa dadaal ugu jira midkood in uu ku soo bilowda weerarka dhexe kulanka caawa , dhinaca kale Suat Serdar aya alaga saaray kulankii dhawaan waxaana la eegi doonaa xaaldiisa caafimaad hadii uu taam u noqdo kulanka .

Pep Guardiola ayaa safkiisa ka saaray John Stones,Gabriel Jesus, Benjamin Mendy iyo Fabian Delph, lkn kabtan Vincent Kompany ayaa dib ugu soo laabtay kooxda kaas oo ka soo bogsaday dhaawac uu mudo la taamayey .

Maqnaashiyaha Mendy iyo Delph ayey ka dhigantahay in midkood Danilo ama Oleksandr Zinchenko uu ku soo bilaaban doono dambeedka daafaca bidix kulanka caawa

Leroy Sane ayaa ka hor imaan doona kooxdiisi hore Schalke 04, geesta kale xidigaha kala ah Nicolás Otamendi, Sergio Aguero iyo Fernandinho ayaa seegi kara kulanka lugta labaad hadii ay muteystaan calaamada hurdiga kulanka caawa .

Ogeysiiska Kulanka :

Kulanka : Schalke 04 vs Manchester City ( Champions League)

Goobta : Arena AufSchalke – Gelsenkirchen

Goorta : 11 :00 oo habeenimo

Garsoorka : Carlos Del Cerro (ESP)

Xaqiiqooyinka ciyarta laga diiwaan gilieyey :

-Schalke markii ugu dambeysay oo ay heerkan soo gaarto wax ay aheyd xili ciyaareedkii 2014/15, markaasna waxa ay qasaaro kala kulantay kooxda Real Madrid , bilowgii lugtii hore Schalke ayaa 2-0 garoonkeeda guul ku gaartay balse lugtii dambe Madrid ayaa soo laabasho cajiib sameesay waxa ay ku garaceen 5-4 isku dar labada lug .

-Schalke ayaa badisay kaliya afar kulan 13-kii kulan ee ugu dambeysay ee ay ciyaarto dhamaan tartamada , halaka man city aya guul gaartay 12-kamida 13-kii kulan ee ugu dambeyey ee ay ciyaartay .

-Macalinka kooxda Manchester city ee Pep Guardiola ayaa guul daro la’aan ah lix kulan oo uu wajahay kooxda reer Germany ee Schalke isaga oo macalin ah .

-Schalke ayaa badisay sedex kulan oo kaliya sideedii kulan ee ugu dambeyey ee UEFA Champions League ay ku ciyaarto garoonkeeeda Gelsenkirchen labo bareejo iyo sedex kullan oo qasaaro ah waxaana laga dhaliyey 18-gool .

-City ayaa soo xaadireysay tartanka UEFA Champions League wareegiisa 16-ka ilaa iyo wixii ka dambeyey sand ciyaareedkii 2013/14, waxaana xusid mudan in ay labo jeer ka gudbeen shantii mar ee ugu dambeyey ee ay ka soo muuqdeen .

-Kooxda lagu naaneeso Citizens ayaa badineysay sedex kamida shantii kulan ee ugu dambeyey ee ay wajahdo kooxaha ka socda Germany. City bandhigoodii ugu wanagsaana ee tartanka Champions league waxa uu ahaa fasal ciyaareedkii 2015/16 markaas oo ay tiigsaden wareega semi-finalka.

-City ayaa qasaareysay labadii mar oo ay wajahday kooxaha reer Germanay kulamada labada lug ee bug baxa , waxa ayna qasarahaas kala kulantay kooxaha Borussia Mönchengladbach iyo Hamburg.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here